Ashqaraar

Ashqaraaray kolkan eegay indhaheeda
Amakaagay aragadeeda la asqoobay
Abidkayna inan gaadha il ma saarin
Oo afkaygu erey qeexa ma awoodo

Ashqaraaray kolkan eegay indhaheeda
Amakaagay aragadeeda la asqoobay
Abidkayna inan gaadha il ma saarin
Oo afkaygu erey qeexa ma awoodo

Asturnaanta waa asluubtu alle dhowray
Qof edaab le waa amaanta loo asteeyo
Anshax gaara Waa akhlaaqda isirkeeda
Udugeedu kuma uumna arladoo dhan

Asturnaanta waa asluubtu alle dhowray
Qof edaab le waa amaanta loo asteeyo
Anshax gaara Waa akhlaaqda isirkeeda
Udugeedu kuma uumna arladoo dhan

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Anfac keena anfacaysa oogadayda
Udub weeye adhaxdaydu ku istaagto
Aqbal weeye arinkaygu ka abqaalme
Iilan maayo intan haysto arxankeeda

Anfac keena anfacaysa oogadayda
Udub weeye adhaxdaydu ku istaagto
Aqbal weeye arinkaygu ka abqaalme
Iilan maayo intan haysto arxankeeda

Ma awoodo waxay eeedo ulan maayo
Ma awoodo gob i eegta inan aaso
Ma awoodo inan aayar ku ilaawe
Waan ilaalin axdigeeda waanan oofin

Ma awoodo waxay eeedo ulan maayo
Ma awoodo gob i eegta inan aaso
Ma awoodo inan aayar ku ilaawe
Waan ilaalin axdigeeda waanan oofin

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Ma awoodo waxay eeedo ulan maayo
Ma awoodo gob i eegta inan aaso
Ma awoodo inan aayar ku ilaawe
Waan ilaalin axdigeeda waanan oofin

Ma awoodo waxay eeedo ulan maayo
Ma awoodo gob i eegta inan aaso
Ma awoodo inan aayar ku ilaawe
Waan ilaalin axdigeeda waanan oofin

Ma awoodo waxay eeedo ulan maayo
Ma awoodo gob i eegta inan aaso
Ma awoodo inan aayar ku ilaawe
Waan ilaalin axdigeeda waanan oofin

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado

Axsan gaari geenyo uursan oo ilhaaman
Urug maydha waa ishaarta aflaxayga
Waa ilayska ifinaaya aduunkayge
Kama oolo ifka meelna kama aado



Credits
Writer(s): Asad Faqdiid
Lyrics powered by www.musixmatch.com

Link